Ku saabsan tahay dugsiyada iswiidhishka

skolverket.se

Dugsiga sare

Quseeyso dhallinyarada da’dooda tahay 16 ilaa 20 sano:

Soo kobiyeeyso warqada warbixinta

nyanlanda-gymnasieskola-01.jpg

Waa maxay dugsiga sare?

Waxbarashada dugsiga sare waa bilaash oo in la dhigtaa ma aha qasab, dhallinyarada ayaana go’aanka iska leh hadii ay rabaan iney dhigtaan markey dhameeyaan dugsiga aasaasiga. Dusgiga sare wuxu ka kooban yahay barnaamish qaranka, barnaamishka bilaawga iyo barnaamishyo ka duwan qaabka kuwa qaranka.

Tirada guud ee barnaamishyada qaranku waa 18.  Barnaamish kasta waxaa la dhigtaa 3 sano.

Barnaamishyada kala duwan waxey ahaan karan barnaamishyada kuwa isku diyaarinta shaqo ama waxbarashada jaamacadaha.

Barnaamishyada isku diyaarinta shaqo waxa loo dhigan karaa ama ay ahaan karaan goob shaqo oo dugsi sare ah.

Ardeyda aan buuxin shuruudaha lagu galo barnaamishka qaranka waxey dhigan karaan 5 barnaamish oo ah barnaamishka biloowga.

Barnaamishka bilaawida luqada waxa loogu talagalay dhallinyarada dhowaan Sweden timid. Waxbarashadu waxay xooga saareysaa luqada iswiidhishka, si uu ardeygu ugu sii gudbi karo barnaamish kale ama waxbarasho kale. Waxbarashada waxa loo qorsheeyn si ardeyga aqoontiisa ku habboon.

18 barnaamish oo dugsiga sare


Barnaamishyada barashada shaqooyinka

  • Barnaamishka carruurta iyo xilliga firaaqada
  • Barnaamishka dhismaha
  • Barnaamishka korontada iyo tamarta
  • Barnaamishka gaadiidka iyo wax raridda
  • Barnaamishka ganacsiga iyo maamulka
  • Barnaamishka farsamo gacmeedka
  • Barnaamishka hodheelka iyo dalxiiska
  • Barnaamishka farsamaha warshadaha
  • Barnaamishka dhowrista deegaanka
  • Barnaamishka makhaayada iyo raashinka
  • Barnaamishka VVS iyo guriga
  • Barnaamishka xannaanada iyo daryeelka


Barnaamishyada isku diyaarinta waxbarasho jaamacadeed

  • Barnaamishka dhaqaalaha
  • Barnaamishka bilicda
  • Barnaamishka adabka bani’aadimka
  • Barnaamishka culuunta dabiiciga ah
  • Barnaamishka cilmi barashada mushtamaca
  • Barnaamishka farsamada

Utbildningsinfo.se

Yaa dhigta dugsiga sare?

Dugsiga sare waxaa loogu talagalay dhallinyarada da’doodu tahay 16 ilaa 20 sano. Markuu qofka 20 gaaro wuxuu haystaa fursad uu ku dhigan karo waxbarashada dadka waaweyn ee dugsiga sare.

Ardeyda ku baastay maadada iswiidhishka ama iswiidhishka luqada labaad, ingiriiska iyo xisaabta iyo shan maado oo kale waxey bilaabi karaan barnaamishka barashada shaqooyinka midkood. Ardeyda ku baastay maadada iswiidhishka ama iswiidhishka luqada labaad, ingiriiska, xisaabta iyo sagaal maado oo kale waxey bilaabi karaan barnaamishyada isku diyaarinta waxbarasho jaamacadeed midkood.

Ardeyda aan buuxin shuruudaha lagu galo barnaamishka qaranka waxey dhigan karaan 5 barnaamish oo ah barnaamishka biloowga. Barnaamishyada biloowga lagu ma helo shahaadada dugsiga sare, oo qorshaha baa ah in ardeygu u gudbo barnaamishyada qaranka midkood ama shaqo. Barnaamishka bilaawida luqada waxa loogu talagalay dhallinyarada dhawaan Iswiidhan timid.

Sidee loo bixiyaa shahaadada?

Darajada shahaadadu waa lix tilaabo A ilaa F. A ilaa E waxey micnaheedu tahay waad ku baastay halka F micnaheedu yahay waad ku dhacday. Shahaadada waxa la bixin koorso kasta markaad dhameysid ama shaqo mashruuc. Markuu ardeyga koorsooyinkaas dhammaan iyo shaqooyinka mashruuca shahaado laga wada siiyo baa ardeyga la siin shahaadada dugsiga sare. 

Hadii ardeyga maqnaanshihiisu aad u badan yahay oo aan shahaado la siin kari maadaama aan la qiimeyn karin aqoonta ardeyga, waxa la siin xariijin (-) oo waraaqada shahaadada lagu qori. Shahaado F iyo xariijin ma loo isticmaali karo dugsiga aasaasiga oo ardeyda maskaxdoodu gaabiso ama dugsiga sare oo ardeyda maskaxdoodu gaabiso.

In la doorto barnaamijyada dugsiga sare

Filimkan wqxan aad uga sii hadleynaa dugsiga sare su’aalona waan uga jawaabeynaa.