Ku saabsan tahay dugsiyada iswiidhishka

skolverket.se

Waa maxay dugsiga sare ee ardeyda maskaxdoodu gaabiso?

Quseeyso carruurta da’dooda tahay 16 ilaa 20 sano:

nyanlanda-gymnasiesarskola-01.jpg

Waxbarashada dugsiga sare waa bilaash oo in la dhigtaa ma aha qasab, dhallinyarada ayaana go’aanka iska leh hadii ay rabaan iney dhigtaan markey dhameeyaan dugsiga aasaasiga. Dusgiga sare wuxu ka kooban yahay barnaamish qaranka, barnaamishka bilaawga iyo barnaamishyo ka duwan qaabka kuwa qaranka.

Waxbarashada dugsiga sare ee ardeyda maskaxdoodu gaabiso waa bilaash oo in la dhigtaa ma aha qasab, dhallinyarada aan caqligoodu dhameystirneen ayaa go’aanka iska leh hadii ay rabaan iney dhigtaan ka dib markey dhameeyaan ta aasaasiga ah. Dusgiga sare oo ardeyda maskaxdoodu gaabiso wuxu ku dhisan yahay barnaamish qaranka, barnaamishka shaqsiga iyo barnaamishyo ka duwan barnaamishyada qaranka.

Barnaamishyada qaranka gacanta koowad wuxu kuu diyaarin shaqo. Waxbarashada oo barnaamishka qaranka waxaa xita lagu bari kara xirfad shaqo oo dugsi sare. 

Barnaamishyada qaranku waa sagaal. Barnaamish kasta waxaa la dhigtaa 4 sano, oo waxaa ka mid ah maaddooyinka guud ee dugsiga sare ee ardeyda maskaxdoodu gaabiso, maaddooyin barnaamishka qaas u ah, barnaamisho lagu sii qoto dheeraado iyo shaqada dugsiga sare ee ardeyda maskaxdoodu gaabiso.

Ujeedada barnaamishyada qaranku waa in ay ardeyga shaqo u diyaarinaayaan. Barnaamishyada isku diyaarinta shaqo waxa loo dhigan kara goob shaqo oo dugsi sare ahaan.

Barnaamishyada shaqsiga waxa loogu talagalay ardeyda aan dhigan karin barnaamishka qaranka. Barnaamish kasta waxaa la dhigan 4 sano oo wuxu ka koobanyahay dhowr mawduuc.

Mawduucyada:

  • Dabeecadda iyo deeggaanka
  • Mushtamaca iyo shaqsiga
  • Dhaqaalaha guriga
  • luqada iyo isgaarsiinta
  • ispoortiga iyo caafimaadka
  • hawlaha biliciga

Barnaamishka shaqsiga waxa xitaa kamid ahaan karo shaqo tababar.

Yaa dhigta dugsiga sare ee ardeyda maskaxdoodu gaabiso?

Dugsiga sare ee ardeyda maskaxdoodu gaabiso waxaa loogu talagalay dhallinyarada jirta 16 ilaa 20 sano ee aanu caqligooda dhameystirneen oo la qiimeeyay in eysan gaari karin hadafka dugsiga sare. Markuu qofka 20 gaaro wuxuu haystaa fursad uu ku dhigan karo waxbarashada qaaska ah ee dadka waaweyn.

Sidee bay u dhacdaa qiimeynta iyo shahaado bixintu?

Ardeydu mar kasta oo ay koorso dhameeyaanba waxa la siin shahaado. Koorso kastaa waxey leedahay shuruudo aqooneed oo ay ku qoran tahay aqoonta laga rabo ardeygu inuu gaaro. Waxbarashada mawduucyada shahaado lagu ma bixiyo. Oo waxa la qiimeeyn aqoonta ardeyga ayadoo la fiirinaayo darajooyinka shuruudaha.

Shahaado ahaan waa in la isticmaalaa darajooyinka A, B, C, D ama E. Ta ugu sareysaa waa A, tan ugu hooseysaana waa E. Ardeyga aan buuxin shuruudaha shahaadada E ee maaddada uu dhigtay, wax shahaado ah looma qorayo.