Ku saabsan tahay dugsiyada iswiidhishka

skolverket.se

Dugsiga aasaasiga iyo dugsiga xilliga firaaqada

Quseeyso carruurta da’dooda tahay 7 ilaa 15 sano:

nyanlanda-grundskola-01.jpg

Waa maxay dugsiga aasaasiga ahi?

Dugsiga aasaasiga in la dhigtaa waa ku qasab dammaanba carruurta, laga bilaabo xilliga deyrta ee ay buuxiyaan 7 sano, waana bilaash.
Dugsiga aasaasiga ahi waa 9 fasal oo dhigashidiisuna ay tahay mid qasab ah sagaalkaas sano.

Sannad dugsiyeedku wuxu u qeybsamaa laba xilli oo ah xilliga deyrta iyo xilliga gu`ga.

Waxbarashada dalku waa isku mid meel kasta oo uu ardeygu dugsiga ka dhigto.

Yaa dhigta dugsiga aasaasiga?

Iswiidhan carruurtu badanaa waxey bilaabaan fasalka 1-aad xilliga deyrta ee ay 7 sano buuxinayaan. Waa suurtagal in xataa carruurtu ay bilaabaan markay 6 sano buuxinayaan, xaaladaha qaarna 8 sano.

Carruurta ay maskaxdoodu gaabiso waxey dhigtaan dugsiga aasaasiga ee ardeyda maskaxdoodu gaabiso, oo wuxu u dhigmaa dugsiga aasaasiga.

Caruurta curyaanimo darteed ama sababo kale oo qaas ah aan dhigan karin dugsiga aasaasiga ah ama dugsiga aasaasiga ee ardeyda maskaxdooda gaabiso, waxa qaabilaya dugsiga qaaska ah.

Waa sidee qaabka loo shaqeeyaa?

Dugsiga aasaasiga ah waxaa mas’uul ka ahaan kara degmada ama wuu ka madax bannaanaan karaa. Inta ugu badan Iswiidhan dugsiyada aasaasiga waxa mas’uul ka ah degmada, oo caadiyan ardeyda waxey dhigtaan dugsiyada ay degmadu mas’uulka ka tahay oo gurigooda u dhow.

Dugsiyada aasaasiga ahi waxey haystaan fursad ay ku samaysan karaan astaan qaas u ah, ama waxyaabo qaas u ah, tusaale ahaan fasalo ingiriis, isboorti ama hido iyo dhaqan lagu barto.

Dugsiyada aasaasiga ee madaxa bannaani weey u furan yihiin dhammaan carruurta oo waxbarashaduna waa mid u dhiganta tan laga helo dugsiyada aasaasiga ee degmada.

Dugsiyada aasaasiga ee madaxa bannaan waxa mas’uul ka ah qof kale oo aan ahayn degmada. Qofkaasi wuxu ahaan karaa shirkad, hey’ad samafal ama urur.

Sidee loo bixiyaa shahaadada?

Shahaadada waxa la bixiyaa lixdii bilood hal mar, laga soo bilaabo fasalka 6 dhammaan maadooyinka inta aan ka ahayn luqadaha la doorto. Shahaadada luqadaha la doorto waxa la bixin karaa xilliga dayrta ee lagu jiro fasalka 7-aad. Shahaadada ugu dambeynta waxa la bixiyaa fasalka 9 –aad xilliga dhammaadka gu`ga. Shahaadada ugu dambeysa baa lagu codsan dugsiga sare.

Darajada shahaadadu waa lix tilaabo A ilaa F. A ilaa E waxey micnaheedu tahay waad ku baastay halka F micnaheedu ay tahay waad ku dhacday.

Hadii ardeyga maqnaanshihiisu aad u badan yahay oo aan shahaado la siin karin maadaama aan la qiimeyn karin aqoonta ardeyga, waxa la siin xariijin (-) oo waraaqada shahaadada lagu qori. Shahaado F iyo xariijin looma isticmaali karo dugsiga aasaasiga ee ardeyda maskaxdooda gaabiso ama dugsiga sare ee ardeyda maskaxdooda gaabiso.

Wada hadalka horumarinta ardeyga 

Ugu yaraan halmar lixdii bilood waa inuu ardeyga, macallinka iyo ardeyga waalidkiisu isla kulmaan si ay uga wada hadlaan xaalada dugsigu sida ay tahay iyo siduu ardeygu ugu qanacsan yahay. Arrintaan waxa lagu magacaabaa wada hadalka horumarinta ardeyga. Wada hadalku waa inuu sawir balaaran ka bixiyaa horumarka aqoonta iyo ka xaga bulshada ee ardayga.

Wada hadalku waa inuu noqdaa mid ku saabsan sidii uu dugsigu u caawin lahaa ardeyga ee uu u dhiiri gelin lahaa horumarkiisa. Wada hadalku wuxu u yahay ardeyga iyo waalidka fursad ay wax ku saameeyn karaan oo ay mas’uul ka qaadi karaan ardeyga waxbarashadiisa.

Fasalada aan shahaadada la bixin ardeyga waxa la siin qoraalka qorsheynta horumarinta shaqsiga, oo waxa la qoraa hal mar sanad dugsiyeedkiiba. Qoraalka qorsheynta horumarinta shaqsiga waa in ay ku qornaadaan qiimeyn kaas oo qorshaha mustaqbalka quseeya.